Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal xooggan oo Al-shabaab iyo Macawisleey ku dhexmaray gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaal xooggan ayaa Kooxda Macawiisley iyo Alshabaab xalay  ku dhexmaray degaanka Ceel-cali ee gobolka Hiiraan halkaas oo ay ka soo baxayaan warar kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya  in dagaalkaas uu yimid kadib markii Kooxda Macawiisley ay weerar ku qaadeen fariisin Alshabaab ay ku leeyihiin degaanka Ceel-Cali waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus inkastoo aan si rasmiya oo loo ogayn khasaaraha ka dhashay.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in ay maqlayeen Rasaas culus oo ay isku adeegsanayeen dhinacyada dagalamayay,iyaga oo xusay in aysan sheegin Karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka dhexmaray koxda Macawiisley iyo Alshabaab.

Sidoo kale ma jirto cid ka madax-bannaan labada dhinac oo xaqiijin karta khasaaraha dagaalka halkaasi ka dhacay.

PUNTLAND POST

The post Dagaal xooggan oo Al-shabaab iyo Macawisleey ku dhexmaray gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this