Sign in to follow this  
Deeq A.

<p class="has-medium-font-size">Madaxweyne ku-...

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden ayaa guul weyn ka gaadhay doorashada isreebreebka xilka madaxtinimo ee xisbiga Dimuquraadiga.

Mr Biden oo tartan xooggan kala kulmaya Bernie Sanders ayaa guul dahabi ah ka gaadhay 9 gobolka oo ka mid ah 14-ka gobol oo ay ka dhacday Doorashada.

Warbaahinta Mareykanka ayaa hal ku dhig uga dhigtay doorashada salaasadii weyneyd ee Mareykanka.

Labada nin oo ku loolamaya murashaxa calanka u sidi doono xisbiga dimuquraadiga doorashada dhaceysa bisha November ayaa kala wata qorshayaal kala duwan.

Siyaasiga Joe Biden oo ka hadlay guusha uu ka soo hooyay gobolada waaweyn ayaa sheegay in Mareykanka uu u baahan yahay isbadal, isagoo intaa ku daray in Bernie Sanders uu yahay qof da’a ah si la mid ah madaxweyne Trump.

biden-supertues-spnphotosnine822035-800x

Mr Sanders oo loolan adag kula jira Beyden ayaa si la mid ah sannadkii 2016-kii hogaaminta xisbiga dimuquraadiga kula loolamay Ms Hillery Clinton.

Inkastoo gobolo kale ay dhiman yihiin ayaa bisha July waxaa la kala saari doonaa murashaxa xisbiga dimuquraadiga ee la tartami doona doorashada bisha November ee sannadkan 2020-ka madaxweyne donald Trump oo matali doona xisbiga Jamhuuriga.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this