Deeq A. Posted March 4, 2020 Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay ku soo xag-gudubtay madaxbanaanida dalkiisa, kadib markii uu maanta shir gudoomiyay kulan gaar ah oo ay yeesheen golaha ammaanka qaranka dalka Kenya. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay ka gudbeen xuduuda Kenya, kadib dagaalkii dhawaan ka dhacay magaaladda Beled-Xaawo, kaas oo ay la galeen ciidanka maamulka Jubaland 2-dii bishan. Kenya ayaa ku tilmaantay tallaabadaasi mid jebinaysa xeerarka caalamiga ah iyo madaxbanaanida dhuleed ee dalkaasi, waxayna ku tilmaantay xad-gudub marna aan la aqbali Karin. Golaha amniga Qaranka Kenya ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay burburin u geysteen hantida muwaadiniinta dalkaasi ee ku nool magaalooyinka xadka ku yaalla, gaar ahaan Mandheera. Dhanka kale, dowladda Kenya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay eedeynta safiirka Soomaaliya ee QM, Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle), 5-tii bishii la soo dhaafay taasoo ahayd in Kenya ay xad-gudub joogto ah ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya. Si kastaba ha’ahaatee hadalka dowladda Kenya ayaa ku soo aadaya xilli xiisad ay ka jirto xadka, gaar ahaan gobolka Gedo, iyadoo Isniintii la soo dhaafay dagaal xoog leh uu ka dhacay Beled-Xaawo kaas oo geystay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac. View the full article Share this post Link to post Share on other sites