Sign in to follow this  
Deeq A.

Iiraan Oo Cabsi Ay Ka Qabto Faafidda Coronavirus Darteed Xabsiyada Uga Sii Deysay Kumanaan Maxaabiis ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Iiraan ayaa lagu soo waramayaa in cabsi ay ka qabto in uu faafo caabuqa Coronavirus dartiis ay xabsiyada si ku meel gaar ah uga sii deysay kumanaan maxaabiis ah.

Maxaabiistan la sii daayay ayaa tira ahaan waxa ay gaarayaan ilaa iyo 54,000 oo maxbuus oo ku jirar jeelasha dalkaasi.

Shaqsi ka tirsan waaxda garsoorka oo lagu magacaabo Gholamhossein Esmaili ayaa warbaahinta u sheegay in maxaabiista la sii daayay, ka dib markii ay ogaadeen in dhamaantood aysan qabin caabuqa Corona.

“Maxaabista u xiran dambiyada dhanka amniga oo lagu riday 5 sanno oo xarig ah lama sii deyn doono” ayuu yiri “Maxaabista u xiran dambiyada dhanka amniga oo lagu riday 5 sanno oo xarig ah lama sii deyn doono” ayuu yiri

Talaadadii, wasiirka caafimaadka Iiraan wuxuu sheegay in tirada dadka la xaqiijiyay inuu ku dhacay Corona ay sare u kacday in ka badan boqolkiiba 50, hadda wuxuu ku dhacay gudaha Iiraan 2,336 qof inkasta oo la rumeysan yahay in tirada ay intaas ka sarreyso.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this