Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga oo diyaraado ka yaabiyey caalamka ku duqeeyey 82 xarun ay lahaayeen ciidamada Syria

Recommended Posts

Deeq A.   

Idlib (Caasimadda Online) – Dowladda Turkiga ayaa weerar culus ku qaaday saldhigyo militari oo ay lahaayeen ciidamada dowladda Syria ee daacada u ah madaxweyne Bashaar Al-Asad.

Weerarka oo ahaa duqeyn ayaa waxaa ka dhashay khasaare xoog leh oo gaaray ciidamada dowladda Syria, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga Turkiga.

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa xustay inay weerareen 82 xarun, oo ay lahaayeen ciidamada Syria kuwaas oo ku yaallay gobolka Idlib.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay inay duqeynta ku baabi’isay 299 ka mid ah qalabka militari ee dowladda Syria.

“In kabadan 299 ka mid ah qalabka ay militeriga dawlada Syria leedahay ayaan burburinay, iyo sidaa oo kale xarumo kale oo fara badan oo ay lahaayeen militeriga dawlada Syria,”ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay  wasaaradda gaashaan dhigga Turkiga.

Duqeyntaan ayaa kusoo aadeyso xilli dhawaan ay dowladda Turkiga duqeyn ku dileen in ka badan laba kun oo askari oo ka tirsan ciidamada Syria, sida ay sheegtay dowladda Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa horey ugu hanjabtay inay ka aargudan doonto ciidamada Syria oo duqeyn ku dilay 34 askari oo ka tirsan Ciidamada Militariga Turkiga.

Weerarada dowladda Turkey ayaa loo adeegsanayaa diyaaradi drone oo caalami ah, oo beegsigooda saxda ah iyo taknoolajiga ay adeegsanayaan ka yaabiyey caalamka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this