Sign in to follow this  
Deeq A.

Cosoble: Marxaladda dalka uu marayo marka loo fiiriyo waa dib u dhac weyn

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble oo u warramay TV-ga Universal ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan xiisadaha ka soo cusboonaaday gobolka Gedo.

Cosoble ayaa wareysigaan ku sheegay in marka la fiiriyo marxalada uu dalka marayo marayi ay tahay dib u dhac weyn, isagoona ayaan darro ku tilmaamay dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ka jira gobolkaasi oo uu sheegay inay abuuri karaan colaado sakeeye.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay inay xilligaan wada dagaalamaan ciidamo Soomaaliyeed, halkii ay dalka ka difaaci lahaayeen cadowga.

“Waa ayaan darro weyn in xilligaan dhul soomaaliyeed ay ku dagaalamaan ciidamo lagana abuuro dagaalo sokeeye,marxaladda dalka uu marayo marka loo fiiriyo waa dib u dhac weyn oo dalka ku socdo una baahan in laga hortago.” ayuu yiri Cali Cabdullaahi Cosoble.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle oo hadalkiisa sii watay ayaa carabka ku dhuftay in mas’uuliyadda ugu horreysa ay qaadi doonto dowladda, tan xigtana Jubbaland.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay labada dhinac inay ka wada shaqeeyaan xasiloonida dalka, una turaan shacabka Soomaaliyeed oo xilligaan baahi weyn u qaba dowladnimo.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Isniintii la soo dhaafay dagaal qaraar ciidanka dowladda federaalka iyo kuwa Jubbaland uu ku dhexmaray duleedka degmada Beled-Xaawo, kaas oo weli saameyntiisa laga dareemayo xadka dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this