Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Beyle Oo Kulan La Qaatay Madaxda Bangiga Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan dalka Ivory Coast ayaa waxaa uu halkaasi kula kulmay Madaxweynaha Bangiga Hormarinta Afrika Akinwumi Adesina.

Kulan ay yeesheen labada mas’uul ayaa waxaa ay uga wada hadleen dib-u-habeynta hourmarka dhaqaalaha Soomaaliya, muhiimadda ay leedahay xoojinta wadashaqeynta iyo horumarinta xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Bangiga Hormarinta Afrika kadib deynta cafinta.

‘’Waxaan ku faraxsanay in Madaxweynaha Bangiga Hormarinta Afrika Akinwumi Adesina aan ka wada hadalnay dib-u-habeynta l iyo hormarka dhaqaalaha Soomaaliya, sidoo kale waxaan isla qirnay muhiimadda ay leedahay xoojnta wadashaqeynta iyo horumarinta xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Bangiga Hormarinta Afrika kadib deynta cafinta. Waxaan aad ugu mahadcelinayaa Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo shacabka Soomaaliyeed ee nagu garab istaagay xaqiijinta guulaha aan gagaarnay is badalka Maaliyadda” ayuu yiri wasiirka Beyle

Wasiirka waxa uu si gaar ah u bogaadinayay Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradaha kale ee dalka oo dhammaantood si loo gaaro guushan u huray wax kasta oo ay awoodeen.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this