Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay oo ka dayrisay Xaaladda Qaxootiga ku xanniban Xuduudka Turkiga iyo Giriiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Bayaan kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in ay ka xun tahay xaaladda ka aloosan xuduudka Turkiga iyo Giriiga, iyadoo tusaale usoo qaadatay dhacdooyinkii dhowaan ka dhacay goobaha ay dadka qaxootiga ah ay joogaan, waxayna ku tilmaamtay kuwo kasoo horjeeda xuquuqda aadanaha.

Hay’adda qaxootiga ee qaramada midoobay ee UNHCR  ayaa sidoo kale sheegtay inay ka walaacsan tahay waxyaaladiii u danbeeyey ee lagu sameeyey dadka qaxootiga ah ee  doonayay in ay u  gudbaan  dalalka Yurub.

Qaramada midoobay waxay ugu baaqday masuuliyiinta dawladda Giriiga inaysan isticmaalin rabshado xad dhaaf ah oo ka dhan ah muhaajiriinta, sidoo kale waxay ugu baaqday dadka  muhaajiriinta ah inay ixtiraamaan amniga xuduudaha u dhexeeya labada waddan .

Dhanka kale, af hayeenka sanduuqa qaramada midoobay u qaabilsan caruurta ee UNICEF  Marixi Mercado ayaa waxay sharraxday in dadka tahriibayaasha ah ee ku sugan xadka Turkiga iyo Giriiga ay %40 ay yihiin haween iyo carruur loona baahan yahay in aan dhibaato loo gaysan.

PUNTLAND POST

The post Qaramada Midoobay oo ka dayrisay Xaaladda Qaxootiga ku xanniban Xuduudka Turkiga iyo Giriiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this