Sign in to follow this  
Deeq A.

Magacyada dalalka Afrika ee Coronavirus gaaray oo la shaaciyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka Midowga Afrika, ayaa shaaciyay tirada rasmiga ah dalalka Afrika ee uu gaaray caabuqa halista badan ee Coronavirus.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay ururka Midowga Afrika, ayaa lagu sheegay in illaa hadda Afrika kiisas la xariira cudurkaasi, oo ka soo bilowday Shiinaha laga helay lix dal, kuwaas oo kala ah Algeria; Nigeria, Egypt, Morocco, Senegal iyo Tunusia.

Midowga Afrika ayaa sidoo kale ku baaqay in la muujiyo feejignaan dheeri, si looga hortago in cudurka uu u sii gudbo dalalka kale ee qaaradda Afrika.

Coronavirus oo hadda si weyn ugu sii fidaya dunida, waxaa u dhintay dad badan, kuwaas oo badi ku noolaa wadanka Shiinaha oo uu caabuqaan ka soo bilowday.

shaacin.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Magacyada dalalka Afrika ee Coronavirus gaaray oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this