Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Koox la sheegay in ay Al-shabaab ka tirsan yihiin oo Boosaaso lagu qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   
Puntland.jpg?w=1000&ssl=1Askari Puntland oo hawlgal fulinaya

Laamaha Amniga dowladda Puntland, ayaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ku qabtay, 8 qof oo lagu tuhunsanyahay in ay ka tirsan yihiin malayshiyaadka Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan Booliiska gobolka Bari, ayaa Puntland Post u xaqiijiyay in raggaasi lagu qabtay, hawlgal saacado qaatay oo laamaha Amnigu ay shalay ka fuliyeen gudaha suuqa weyn ee magaalada Boosaaso.

Saraakiisha ayaa sheegaya, in hawlgalkaasi uu bilowday subaxnimadii hore ee Talaadadii shalay, kadib markii xog laga helay dhaqdhaqaaqa kooxda, islamarkaana ciidamadu xireen isu’socodka suuqa weyn ee Boosaaso.

Xubnaha gacanta lagu dhigay, ayaa lagu qabtay hub iyo saanad ay ku jiraan bastoolado iyo qoryaha fudud, waxaana haatan ku socda baaritaan dheeriya, kaasi oo dhowaan natiijadiisa la soo bandhigi doono, sida ay sheegeen saraakiisha.

Balse, Saraakiishu waxay tilmaameen in aan weli gacanta lagu dhigin xubin muhiima oo hoggaaminayay kooxda, kaasi oo degaan ahaan ka soo jeeda Somaliland.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Koox la sheegay in ay Al-shabaab ka tirsan yihiin oo Boosaaso lagu qabtay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this