Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo dhaq dhaqaaqyo ka wada xadka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada dalka Kenya, gaar ahaan kuwa loo yaqaano argagixiso la dirirka ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabay xadka Soomaaliya.

Howlgallada oo ah kuwa ballaaraan ayaa waxaa la sheegay in jeedkooda uu yahay, sidii loo xoojin lahaa amniga deegaanada dhaca xadka labada dal.

Dhaq dhaqaaqyadaan ayaa waxaa haatan xoogooda looga dareemayaaa agagaarka deegaanka Libooya ee dalka Kenya.

Sidoo kale dhaq dhaqaaqyadan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan Mareykanka uu ka digay weeraro Al-Shabaab ay ka fuliso gudaha dalkaasi Kenya.

Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa weerarada ugu badan waxa ay ka geystaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi oo xuduud dheer la leh Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this