Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Afrika oo shaaciyey tirada dalalka Afrika ee laga helay Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa shaaciyey tirada rasmiga ah dalalka Afrika ee uu gaaray caabuqa halista badan ee Coronavirus.

Warsaxaafadeed ka soo baxay ururka Midowga Afrika ayaa waxaa lagu sheegay in illaa hadda Afrika kiisas la xariira cudurkaasi oo ka soo bilowday Shiinaha laga helay illaa iyo lix dal, kuwaas oo kala ah Algeria, Nigeria, Egypt, Morocco, Senegal iyo Tunusia.

Midowga Afrika ayaa sidoo kale ku baaqay in la muujiyo feejignaan dheeri, si looga hortago in cudurka uu u sii gudbo dalalka kale ee qaaradda Afrika.

Coronavirus oo hadda si weyn ugu sii fidaya dunida ayaa waxaa u dhintay dad badan, kuwaas oo badi ku noolaa wadanka Shiinaha oo uu caabuqaan ka soo bilowday.

Wadamadii ugu dambeeyey ee uu gaaray cudurkaan waxaa ka mid ah Sucuudiga iyo Mareykanka oo laga helay kiisas cusub.

Halkaan hoose ka aqriso liiska

Midowga.jpg

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this