Sign in to follow this  
Deeq A.

Koonfur Galbeed oo sheegtay in ay fashilisay weeraro

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (SMN) – Wararka ka imaanaya Baydhaba ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta ay qabteen nin la wariyey in uu watay waxyaabaha qarxa oo la aaminsan yahay inuu maleegayey weeraro uu laga gaysto magaalada.

Saraakiisha dhinaca amniga ah ayaa tibaaxay in lagu qabtay jaakad uu ku rakiban yahay qarax, afar qasnadood oo rasaas ah iyo qori.

Laamaha ammaanka waxay xuseen in markii uu magaalada soo galay uu qalabka dhigtay guri kadibna ay ciidamada amnigu ogaadeen.

La tuhunsanaha oo baaritaano dheeraad ah loo diray ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Isaaq Nishow.

Dhinaca kale, Koonfur Galbeed ayaa shaacisay inuu isa soo dhiibay xubin ka tirsanaa ururka Al-Shabaab oo ka hawlgeli jiray Jubbooyinka.

Ibraahim Aadan Cabdi [Gacma dheere] ayaa lagu waramay in uu kasoo dagaalamay degaanada Jubbooyinka gaar ahaan Sanguuni.

FB_IMG_1583256941141.jpgFB_IMG_1583256938620.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this