Deeq A. Posted March 3, 2020 Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Xarunta aqalka dowlada hoose ee Xamar ka daah-furay tababar socon doona muddo 5-Cisho ah, kaas oo lagu baranayo muhiimada uu talaalka u leeyahay carruurta. Tababarkaan ayaa waxaa soo agaasimay waaxda caafimaadka iyo Faya-dhowrka Dowladda hoose ee Xamar iyadoo ay ka qeybgali doonaan howl-wadeena ka socda M.C.H-yada ku yaalla degmooyinka gobolka Banaadir iyo sidoo kale xubna ka socda hey’adaha UN-ka,UNICEF iyo W.H.O. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa waxa uu boggaadiyay dadaalada kor loogu qaadayo wacyigalinta Talaalka. “Waxaan marwalba u taaganahay xoojinta daryeelka carruurta Soomaaliyeed iyo siddii ay u heli lahaayeen nolol ku haboon, ka maamul ahaan waan boggaadineynaa in la dardargaliyo wacyigalinta, muhiimada uu bulshada u leeyahay Talaalka sidoo kale in degmooyinka Muqdisho laga fuliyo Talaal tayo leh”ayuu yiri duqa Muqdisho. Ugu dambeyntii, wuxuu ka digay in lagu deg-dego talaalka caruurta, taasoo uu tilmaamay in ay ka dhalan karto halis caafimaad. Hoos ka daawo sawiradda View the full article Share this post Link to post Share on other sites