Sign in to follow this  
Deeq A.

Agaasime Fahad Yaasiin oo xilka ka qaaday taliyaha NISA ee gobolka Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin ayaa xilka ka qaaday taliyihii Nabad-Sugiida gobolka Banaadi Ibraahim Macallin, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Agaasime Fahad ayaa xilkan u magacaabay nin lagu magacaabo Ciise Maxamed Ciise.

Lama heegin wax sabab ah oo Ibraahim xilka looga qaaday, waxaana wararka ay sheegayaan inay qeyb ka tahay is-beddelada shaqo ee hay’adda ku socday bilihii dhowaa.

Hay’adda NISA ayaa martay is-beddelo dhowr ah oo kala duwan tan iyo markii uu hoggaankeeda qabtay Fahad Yaasiin, kuwaasi oo lagu hagaajinayo shaqada hay’adda

Is-bedelladan ayaa laga dareemay magaalada Muqdisho, ayada oo ay aad u yaraadeen qaraxyadii iyo dilalkii ay kooxda Al-Shabaab ka fulin jirtay magaalada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this