Sign in to follow this  
Deeq A.

Xijaar oo AMISOM kala hadlay amniga doorashada 2021-ka

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha Ciidanka Boliiska Janaraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha iyo saraakiisha Booliska AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya.

Kulan gaar ah oo ay yeesheen labada dhinac ayaa waxa ay uga wada hadleen xoojinta wada shaqeynta labada dhinac iyo sugidda amniga doorashada Qaranka ee la filayo inay Soomaaliya ka dhacdo Sannadka 2020-2021.

Taliyaha Booliska AMISOM Sareeye Guuto; Anand Pillay ayaa Ciidanka Boliiska Soomaaliya ku amaanay sida ay ugu diyaarsanyihiin waajibaadkooda, waxa uuna ballan qaaday in qeybta kaga aaddan sugidda amniga doorashooyinka ay ka qaadan doonaan.

Taliyaha Ciidamada Boliiska soomaaliyeed Janaraal ; Cabdi Xasan Maxamed ayaa saraakiisha Boliiska AMISOM uga mahad-celiyay sida wanaagsan ee ay ula sheqeeyaan Booliska Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay inay dar-dar geliyaan wadashaqeyntasi.

Halkaan hoose ka daawo sawirrada:

BOL3.jpg BOL1.jpg

BOL2.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this