Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo dhagax dhigay dhisme lagu kordhiyay Bangiga dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   
1-3.jpg?resize=1000%2C719&ssl=1Deni oo dhagax dhigaya qeybta cusub ee Bangiga

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhagax dhigay dhisme cusub oo lagu kordhiyey Bangiga Dhexe ee dowladda Puntland.

Munaasabadda dhagax dhigga waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Gaadiidka iyo Guriyeynta, Axmed Bashiir Muuse, Maamulka Bangiga Dhexe ee Puntland iyo Injineerro ka socday shirkadda fulinaysa mashruucan.

“Mashruucan waxaan rajaynayaa in uu sida loogu talo galay u fulo, wuxuuna tilmaan u yahay sida ay uga go’an tahay Dowladda Puntland in Hay’adaha Dowladda dib u habayn lagu sameeyo lana tayeeyo” ayuu yiri Madaxweyne Deni oo hadal ka jeediyay dhagax-dhigaas.

Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdilahi Deni ayaa sidoo kale kormeeray xafiisyada kala duwan ee Bangiga dowladda Waxaana uu kulan la qaatay Madaxa Bangiga dhexe ee dowladda Puntland.

  • 16.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 15-1.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 14-1.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 13-1.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 12-1.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 11-1.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 10-2.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 9-2.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 8-2.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 7-2.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 6-2.jpg?fit=1000%2C706&ssl=1
  • 5-3.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 3-3.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 2-3.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 1-3.jpg?fit=1000%2C719&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo dhagax dhigay dhisme lagu kordhiyay Bangiga dowladda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this