Sign in to follow this  
Deeq A.

Rag hubeysan oo asakar ku dilay duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahinno dheeraad ah kooxo hubeysan oo maanta toogasho ku dilay askar ka tirsanaa ciidanka dowladda oo ku sugnaa Ex-Koontarool Afgooye ee duleedka Muqdisho.

Askarta la dilay oo labo ahaa ayaa ka mid ahaa ciidanka Canshuuraha ee dowladda, iyadoona lagu toogtay weerar gaadma ah oo ay fuliyeen kooxo hubeysan.

Wararka ayaa sheegaya in raggii ka dambeeyey falkaasi oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay goobta isaga baxsadeen.

Sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda ayaa gaaray halkaasi, kuwaas oo goobta ka qaaday meydadka askartaasi.

Dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ayaa inta badan magaalada Muqdisho ka geysta dilal qorsheysan oo ka dhanah  askarta dowladda ee ku sugan gudaha Caasimadda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this