Sign in to follow this  
Deeq A.

Coronavirus oo soo gaaray Galbeedka iyo Waqooyiga Africa iyo cabsi xoog leh oo taagan

Recommended Posts

Deeq A.   

Rabat (Caasimadda Online) – Cudurka Coronavirs ayaa la xaqiijiyey inuu ku faafay wadamo hor leh oo kamid ah wadamada Carabta iyo kuwa kale oo dhaca Galbeedka iyo Waqooyiga Africa.

Wadamada Carabta ee uu cudurkaan soo gaaray ayaa kala ah Sacuudiga, Urdun iyo Qadar oo laga helay dhawr kiis oo ku saabsan cudurkaan.

Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in cudurkaan laga helay qof u dhashay wadankeeda oo ka imaaday dalka Iiraan kaasoo soo maray dalka Baxreyn.

Sidoo kale cudurkaan ayaa laga helay wadamada Africa dhaca ee Morocco, Senegal iyo Tunisia kadib markii ay wasaaradaha Caafimaadka wadamadaas ay si wadajir ah u xaqiijiyeen.

Wasiirka Caafimaadka dalka Tunisia Abdifitaax Al-Maki ayaa sheegay inay wasaaradiisa diiwaan gelisay Isniintii qofkii ugu horeeyey ee cudurkaan laga helay, wuxuuna ahaa muwaadin u dhashay Tunisia oo ka imaaday dalka Talyaaniga oo uu daganaansho ka heysto.

Sidoo kale dalka Morocco ayaa waxaa cudurkaan laga helay qof sidoo kale Talyaaniga ka imaaday oo heysto dhalashada Moroco sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka.

Ninka laga helay cudurkaan ayaa hadda waxaa la dhigay Isbitaal ku yaalo Magaalada Casablance ee dalka Moroco  sida ay sheegtay  Wakaaladda Wararka Maghreb Agency Press.

Si lamid ah Senegal iyo Tunisa oo dhaca Qaaradda Afrika waxaa laga helay kiiskii ugu horeeyay ee Coronavirus, waxaana xaqiijiyay Wasaaradaha Caafimaadka labadaan Dowladood.

Wasiirka Caafimaadka Senegal Ablaye Diouf ayaa isna xaqiijiyey in Senegal laga helay kiiskii ugu horeeyey ee Corona virus isla markaasna ay hadda ka shaqeenayaan inuusan dalka ku faafin.

Coronavirus ayaa si weyn ugu faafayo adduunyada, waxaana markii ugu horeysay lagu arkay dalka Shiinaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this