Sign in to follow this  
Deeq A.

XF oo war-saxaafadeed ka soo saartay Coronovirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ku saabsan caabuqa Corona ee ka dilaacay Shiinaha, kuna sii faafaya caalamka.

Qoraalka ka soo baxay wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in wali caabuqaaasi uusan soo gaarin gudaha Soomaaliya oo dunida xilligan dhibaato xoogan ku haya.

Sidoo kale wasaarada caafimaadka xustay in ay ka feejigantahay cudurkaasi iyadoo kaashaneysa ha’yadaha kala duwan ee dowladda sida wasaarada gaadiidka iyo duulista, hayada socdaalka iyo jinsiyadaha, wasaaradaha iyo xafiisyada kala duwan ee dowladda.

Wasaarada ayaa sidoo kale bayaanka ay soo saartay ku sheegtay in ay wargalisay howlwadeenadeeda caafimaad ee ka howgala garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cismaan Aadn Cade, sidoo kalana ay wargaliyeen maamullada dalka.

Ugu dambeyn wasaarada caafimaadka Soomaaliya ayaa tilmaamtay inay diyaarisay xarumo lagu karantiilo haddii la arko dad looga shakiyo in ay qabaan caabuqa Corona, sidoo kalana xiriir joogto ah ay la leeyihiin hay’adaha caafimaadka caalamka, sida WHO.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this