Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda degmada Beled-Xaawo

Recommended Posts

Deeq A.   

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Waxaa xaalad deganaasho ah saaka laga dareemayaa degmada Beled-Xaawo ee gobolka gobolka Gedo oo shalay ay ku dagaalameen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Ilo deegaanka ah ayaa u sheegay Caasimada Online inay dareemayaan xoogaa xasilooni ah, balse weli jrto cabsi ay ka qabaan inuu markale dagaal ka dhaco halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in gudaha degmada Beled-Xaawo iyo duleedkeeda, gaar ahaan deegaanada dhaca dhanka xuduuda lagu arkayo ciidamada dowladda.

Dagaalkii shalay dhex-marar ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay isku socodka magaalooyinka Mandera iyo Beled-Xaawo.

Qofka ka mid dadka deegaanka uu ku dhaqan dhinaca Mandera ayaa warbaahinta u sheegay in aysan fududeyn in la’isaga gudbo labada magaallo.

“Waxa aan ka walwalsanahay iska hor imaadka Ciidamada DFS iyo kuwa Jubbaland, qof waliba kuma fududaanayo in uu dhanka kale u gudbo, waayo waxaa is hor fadhiya ciidamadii dagaalamay oo mararka qaar rasaas goos goos ah isku ridaya, waxaana suurta ah in aad ku go’doonto dhanka kale, taasina waa cabsi kale haddii aad ka badbaado rasaasta”. ayuu yiri qof ku nool deegaanka

Inta la ogyahay waxaa dagaalkii shalay ku geeriyooday ugu yaraan illaa shan qof oo labada dhinac ah, iyadoona ay ku dhaawacmeen 15 kale oo u badan dad rayid ah.

Wararkii ugu dambeeyey waxay haatan sheegayaan in markasto laga cabsi qabo in dagaalku uu dib u qarxo, maadaama ay weli ciidamadu is horfadhiyaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this