Sign in to follow this  
Deeq A.

Cudurka Coronovirus Oo Gaadhay Dalalka Sucuudiga, Tunisia, Indonisia, Senegal Iyo Dalal Kale

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Cudurka Coronovirus oo ku sii baahaya caalamka ayaa waxaa bukaano qaba cudurkaas laga helay dalalka Sucuudiga, Jordan, Tunisia iyo Senegal.

Wasaaradda Caafimadka Sucuudiga ayaa ku dhawaaqday in qofka laga helay cudurka Coronovirus inuu ka yimid dalka Iran isagoo soo maray dalka Baxreyn.

Baadhitaan lagu sameeyay qofkaan ayaa lagu ogaaday inuu qabo cudurkan waxaana sidoo kale la baadhay dhammaan dadkii uu la kulmay markii uu soo galay dalka Sucuudiga iyadoo aan weli natiijada la helin.

thumbs_b_c_9b2177c971ad1cb59cb1ac4847a89

Tirada dadka u dhintay dalka Iran ayaa waxaa ay gaadhay 66 taasoo ah tirada ugu badan caalamka marka laga reebo dalka Shiinaha oo cudurkan ka soo bilaabay.

Dalka Qadar ayaa afar ruux oo kale laga helay cudurkan iyadoo guud ahaan tirada dadka qaba cudurkan ee joogta Qadar ay gaartay Toddobo ruux.

Inkabadan 89,000 oo qof oo ku kala nool illaa 58 dal ayaa laga helay cudurkan waxayna tirada dadka ee u dhintey ay ka badan yihiin saddex kun oo qof.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this