Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Dowlad Degaanka DDS walaalkiis oo la dhaawacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Nin  hubeysan ayaa xalay weerar loo adeegsaday Toorreey ku qaaday Nin la dhashay Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar Cagjar kaasi oo uu soo gaaray dhaawac Culus.

Goob-joogayaal ayaa soo sheegaya  in weerarka lagu qaaday Cabdiraxman Muxumed Cumar oo ay walaalo yihiin Madaxweynaha degaanka uu ka dhacay Magaalada Dhagaxbuur ee DDS.

Dhaawaca Cabdiraxmaan Muxumed waxaa la geeyay Xarun Caafimaad oo ku taalla gudaha Magaalada Dhagaxbuur halkaas oo lagu dabiibayo xaaladdiisa caafimaad

Sidoo kale Ninka ku hubeysnaa ee weerarka u gasytay Cabdiraxmaan Muxumed Cumar ayaa isna gacanta lagu dhigay waxaana la sheegay in baaritaan lagu wado

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Dowlad Degaanka DDS walaalkiis oo la dhaawacay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this