Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab oo ku dagaallamay Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalkaas ayaa la sheegay in uu bilowday kadib markii rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin gudaha Afgooye islamarkaana ay ka jawaab celiyeen weerarkaas.

Goob-joogayaal ayaa laga soo xigtay  in xalay gudaha Degmada laga maqlayay dhawaqa rasaas ay Isdhaafsanayeen Ciidanka dowladda iyo malayshiyaadka Al-shabaab balse aan khasaaraha ka dhashay la ogayn.

Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay Afgooye ee u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo malayshiyaadka Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab oo ku dagaallamay Afgooye appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this