Sign in to follow this  
Deeq A.

Somalia oo heshiis ‘deyn cafin’ la saxiixatay Bankiga Horumarinta Africa + Sawiro

Recommended Posts

Deeq A.   

Abidjan (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle  iyo Madaxweyne ku xigeenka Bangiga horumarinta Afrika Khaled Sherif ayaa kala saxiixday Heshiisika cafinta deymaha Bangigu ku leeyahay Soomaaliya

Heshiiskaan oo ka dhacay magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast waxaa uu daba joogaaa go’aankii guddiga sare ee maamulka Bangigu ay gaareen 26kii bishii la soo dhaafay ee February waxaa Soomaaliya looga cafinayaa 122.55 milyan oo doolar.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in ay tahay maalin kale oo taariikhi ah,islamarkaana shacabka Soomaaliyeed ay ku faani karaan Heshiiskan.

“Tilaabo kasta oo guul ah oo aan gaarnay waxaan uga mahadcelinayaa Madaxweynaha, R/Wasaaraha, ummadda Soomaaliyeed iyo saaxibada Caalamka ee na garab istaagay,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wuxuu hadalkiisa intaas raaciyay in dadaalka Dowladda Soomaaliya uu sii soconayo inta dalkeennu isku filnaasho ka gaarayo.

Soomaaliya waxay sameysay horumar la taaban karo oo ku aadan xaqiijinta siyaasadda dhanka amniga iyo ajendaha horumarinta dhaqaalaha, in kasta oo ay jiri karaan caqabado. Heshiiskan wuxuu sahli doonaa Bankiga inuu ka caawiyo dhisida awooda hey’adaha iyo horumarinta xirfadaha hagaajinta maamul wanaaga dalka.

WhatsApp-Image-2020-03-02-at-11.30.03-10 WhatsApp-Image-2020-03-02-at-11.30.04.jp WhatsApp-Image-2020-03-02-at-11.30.06-10 WhatsApp-Image-2020-03-02-at-11.30.07-10 WhatsApp-Image-2020-03-02-at-11.30.08-10

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this