Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Rashiid Qaamis: Uhuru ayaa nagu qasbay oo sabab u ah inaan tagno Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaan Rashiid Qaamis oo ka mid ahaa xildhibaanada Kenya ee sabtidii tegay Muqdisho, ayaa sheegay in cadaadiska madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku qasbay inay u safraan magaalada Muqdisho.

“Waxaan la kulanay madaxweyne Uhuru Kenyatta, waxaana uu nagu qasbay inaan isu tagno oo aan xal u helno arrintan ururka Al-Shabaab ee ka taagan gobolka Waqooyi Bari,” ayuu yiri Rashiid Qaasim oo laga soo doorto Wajir East.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, oo 25-kii Febraayo la kulmay hogaamiyayaasha Waqooyi Bari Kenya ee Soomaalida aho ayaa u qabtay 14 maalmood, si ay ula yimaadaan xal wax looga qabanayo dhibaatooyinka amni-darro iyo falalka argagixiso ee ka jira gobolka.

Sida uu weriyey wareyska The Standard, madaxweynaha ayaa xubnahan u sheegay in falalka argagixiso ee gobolka ka socda ay gaysanayaan dad gobolka kasoo jeeda, ayna qasab tahay inay wax ka qabtaan dadka gobolka.

Rashiid Qaasim oo la hadlay wargeyska The Star ayaa sheegay in sidaas darteed ay u safreen Soomaaliya, maadaama ay tahay halka Al-Shabaab laga maal-geliyo, islamarkaana saldhigga u ah.

Qaasim ayaa intaas ku daray inay codsadeen la kulanka madaxweynaha Soomaaliya, si uu uga caawiyo arrimaha amniga, gaar ahaan dhanka xuduudda.

“Waad la socotaa in bilihii dhowaa iskuuladii la xiray, oo dadka aan deegaanka u dhalan ay ka tageen gobolka. Waa mas’uuliyaddeena  inaan nabad iyo amni u helno gobolka,” ayuu yiri Rashiid Qaasim.

Xildhibaanadan oo gaarayey 11 ayaa shalay saacado lagu hayey, su’aalana lagu weydiiyey garoonka diyaradaha Jomo Kenyatta, kadib markii ay kasoo laabteen Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this