Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Guddoomiyihii maxkamadda gobolka Sool oo qarax lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Warar aanu ka helayno gobolka Sool ayaa sheegaya in Guddoomiyihii Maxkamadda gobolka Sool ee Somaliland uu ku geeriyooday qarax loogu xiray gaarigiisa.

Gudoomiyaha Maxkamada gobolka Sool ee Somaliland, Xasan Sheekh ayaa ku geeriyooday qarax loogu xiray gaarigiisa, xili uu ku sugnaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Guddoomiyaha ayaa u naf baxay dhaawac culus oo ka soo gaaray qaraxa loogu xiray gaarigiisa, midaasi oo sababtay in uu geeriyoodo xili lagu howlanaa u fidinta gargaar deg-deg ah.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa markiiba gaaray goobta qaraxaasi, iyagoona halkaasi ka bilaabay baaritaano ku aadan dhacdadan, maadama ay deegaanada Somaliland ay ku cusub tahay in Mas’uul gaarigiisa loogu xiro qarax.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this