Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiyihii Ahlu Sunna oo gaaray Garoowe iyo wararkii ugu dambeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareen (Caasimada Online) – Hogaamiyihii Ahlu-Sunna Waljameeca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa Isniinta maanta ah ka degay Garoonka diyaaradaha Garowe ee magaalada madaxda dowlad-goboleed Soomaaliyeed ee Puntland.

Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa shalay kasoo baxay Dhuusamareeb, xarunta maamul goboleedka Galmudug, wuxuuna xalay ku hoyday Waqooyiga Gaalkacyo.

Illaa iyo haatan lama ogga ujeedka socdaalkiisa caasimadda Garoowe, inkastoo ay kasoo baxayaan warar kala duwan.

Wararka qaarkood ayaa tilmaamaya in Macalin Maxamuud uu damacsan yahay in uu ka dhoofo garoonka diyaaradaha Garoowe, uuna ku sii jeedo Magaaladda Nairobi ee Caasimada dalka Kenya, halkaas oo uu ugu soo gudbayo dalka Sucuudiga.

Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa Socdaalkiisa waxaa ku wehlinaya Generaal Maxamed Cartan Shuuriye oo horey xilan kala duwan oo dhanka Ciidanka ah uga soo qabtay Ahlusunna, kana mid ahaa Xubnaha ku dhaw Hoggaamiyaha Ahlusunna.

Kadib Dagaal qaraar, Macalin Maxamuud iyo xubnihii kale ee Ahlu Sunna ayaa ku dhawaaqay in ay ka tanaasuleen siyaasadda Galmudug isla markaana hubka wareejiyeen.

Villa Somalia iyo Ahlu Sunna ayaa isku qabtay doorashadii madaxtinimadda Galmudug, taasoo sababtay in maamulka dhexda ka galo is-qabqabsi, waxaan hadda Magaalada Dhuusamareeb ku haray Sheekh Maxamed Shaakir iyo Sheekh Ashcari oo la siiyey ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo mas’uul looga dhigay amnigooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this