Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga iyo Russia oo ka shiraya xiisadda Colaadeed ee dalka Syria

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynha Waddanka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa la filayaa in uu Khamiista todobaadnkan booqdo dalka Russia, si uu madaxweyne Vladimir Putin ugala hadlo xiisadda colaadeed ee ka aloosan Syria.

 Qoraal ka soo baxay Xafiiskiisa Erdogan, ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu uu booqasho hal maalin ah ku tegi doon waddanka Russia, maalinta Khamiista ah ee ku beegan 5-ta bishan Maarso 2020.

Dowladda Turkiga, ayaa Axadii Shalay xaqiijisay in ay billowday howl-gal militari oo ka dhan ah ciidamada Syria ee Russia ay taageerto, kadib isku dhacyo xooggan oo ka dhacay gobolka Idlib.

Xukuumadda Ankara, oo taageerta dagaal-yahanada Islaamiga ah ee gobolka, ayaa 19 askari oo Syrian ah ku dishay duqeymo ay ku fulisay diyaarado aan cidna wadin Axaddii, waxayna soo ridday laba diyaarad oo uu maamulka Syria leeyahay.

Hase yeeshee waxaa ka go’an inay ka fogaato isku dhac toos ah oo dhex mara ayada iyo Moscow, oo ay wadaagaan xiriir ganacsi iyo mid militari oo weyn.

Xiisadda hadda taagan ayaa ka dartay toddobaadkii tegay kadib markii 34 askari oo Turkish ah lagu dilay duqeymo cirka ah oo lagu eedeeyey xukuumadda Damascus.

PUNTLAND POST

The post Turkiga iyo Russia oo ka shiraya xiisadda Colaadeed ee dalka Syria appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this