Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo jawaab ka bixisay eedeyntii dowladda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa waxa ay isaga foogeysay eedeymo la xiriira faragalin oo ay u jeedisay dowladda Soomaaliya.

Qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in Kenya ay diideyso eedeyn kasta oo uga timaada dowladda federaalka oo ku aadan in ay faragaliso arimaheeda gudaha.

Sidoo kale Kenya ayaa shaacisay in eedeymaha ay u jeedineyso Soomaaliya ay yihiin kuwo been abuur ah oo sal iyo raad toona laheyn, sida ay hadalka u dhigtay

Dowladda Kenya ayaa sidoo kale sheegtay in aysan aqbali doonin eedeymo kuwaasi la mid ah oo kas oo baxa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Jawaabtaan ayaa daba socota hadal uu dhowaan golaha amaanka ee Qara,ada Midoobay ka jeediyey ergeyga Soomaaliya u fadhiya QM Danjire Abuukar Daahir Cusmaan (Baalle) dowladda dalkaasi ku eedeeyey inay faragelin ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this