Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahinno ka soo baxaya dagaal ka dhacay Beled-Xaawo

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo maanta ka dhacay gudaha degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa wuxuu u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland oo in muddo ah dhaqaaqyo ka waday magaaladaasi.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dagaalka ay qeyb ka ahaayeen ciidamada dowladda Kenya oo la sheegay inay garab siinayeen kuwa maamulka Jubbaland.

Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in dagaalka la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwaan, kaas oo uu xoogiisu ka dhacay duleedka Beled-Xaawo.

Ma cadda khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah ee ka dhashay dagaalkaasi, balse waxaa ku gubtay guryo ay daganaayeen dad shacab ah.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayaa halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this