Sign in to follow this  
Deeq A.

Dab Xooggan Oo Goor Dhow Ka Kacay Mid Ka Mid Ah Isgoysyada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya Isgoyska Balaak sii ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegayaa in goor dhow halkaasi uu ka kacay dab xooggan.

Dabka ayaa waxaa uu si gaara uga kacay kaalin shidaal oo ku taalla isgoyskaasi, waxaana ka soo baxaya faahfaahino kala duwan.

Goobjoogayaal la hadlay Goobjoog News waxa ay sheegeen in dabka uu yahay mid aad u xooggan islamarkaana uu wali soconayo.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in dadka deegaanka ay isku dayayaan sidii ay u damin lahaayeen dabkaasi.

shdllll-1.jpg

sidoo kale warar aan helnay ayaa tilmaamaya in gaadiidka dabdamiska ee shirkada Hormuud ay damiyeen dadbkaasi.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this