Sign in to follow this  
Deeq A.

Beledxaawo: Dagaal Ku Dhexmaraya Dowladda Federaalka Ah iyo Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in hadda uu dagaal ku dhexmarayo ciidamada dowladda federaalka ah iyo kuwa maamul goboleedka Jubbaland.

Dagaal toos ah ayaa waxaa uu ka socdaa xadka Kenya, waana xero ay ku sugan yihiih ciidamada Jubbaland ee Cabdirashiid Janan horkacayo” sidaasi waxaa Goobjoog News u sheegay qof goobjooge ah.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka balse waxaa uu socdaa muddo saacad ku dhow, waxaana muuqato in labada ciidan aad isugu dhow yihiin.

Cabsi xoog leh ayaa soo wajahday dadka deegaanka, waxaana jirtay in muddo ay labada is hor fadhiyeen, tiiyoo iskudhaca maanta keentay.

Ilaa hadda ma jirto cid ka hashay oo ka tirsan dowladda federaalka ah ama maamul goboleedka Jubbaland oo mid weliba u herdamayo maamulka gobolka Gedo.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this