Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya & Sudan oo ka wada hadlay arrimo muhiim ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Soomaaliya mudane Danjire Axmed Ciise Cawad oo ka qeyb galay shirka wasiirada arrimaha dibadda ee IGAD iyo Midowga Yurub ayaa la kulmay ra’iisul wasaaraha wadanka Suudaan Dr. Abdallah Hamduuk, kulankaasi oo ka dhacay xafiiska ra’iisal wasaaraha dalkaasi, waxaana ku wehliyey Danjiraha Soomaaliya ee Suudaan Amb Maxamed Sheekh Isxaaq.

Wasiirka wuxuu u gudbiyay ra’iisul wasaaraha dhambaal salaan ah uu ka waday madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Sidoo kale wasiir Cawad wuxuu ugu mahadnaqey dowladda iyo shacabka Suudaan taageeradda joogtada ah oo ay la garabtaaganyihiin dowladda iyo dadka Soomaaliyeed .

 

Dhankiisa ra’iisulwasaare Xamduuk wuxuu amaanay xiriirka xooggan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudaan, wuxuuna soo dhaweeyay in la sii xoojiyo iskaashigooda.

 

Soomaaliya iyo Suudaan ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir qoto dheer oo soo jireen ah, kaas marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this