Sign in to follow this  
Deeq A.

Kumanaan Qof Oo Ku Go’doomay Xadka U Dhaxeeya Turkiga iyo Giriiga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ankara)-Kumanaan qof oo ka soo dhaqaajiyay dhinaca dalka Turkiga kadib markii dawladda dalkaasi ay ku dhawaaqday inay fasaxday xadka ay la wadaagto dalalka Yurub ayaa tuban xadka u dhaxeeya Turkiga iyo Giriiga.

dadkan oo tiradooda guud lagu qiyaasay ilaa saddex iyo toban kun oo qof ayaa lagu soo warramayaa in habeenimadii Axad ay u hoydeen Kaam ku yaalla inta u dhaxaysa Turkiga iyo Giriiga, kuwaas oo ay ugu soo gashay dhaxan darani.

Giriiga ayaaa Adkaystay xadkiisa markii ay arkeen qulqulka dadkaasi ka soo dhaqaajiyay dhinaca dalka Turkiga kuwaas oo uu badan qaxoonti suuriyaan ah oo ay dalkooda ka socdaan dagaalo aad u qadhaadhi.

2020-03-01T064729Z_1636358531_RC2UAF9ACT 200301071545-05-turkey-greece-migrants-o

Haddii ay u suurto gashay dadkan in ay si nabad ah ku gaadhaan Dalka Giriiga, waxay lugtoodan ku beegsanayaan dalalka Qaarada Yurub iyaga oo halkaasi ka raadsanaya nolol u dhaanta midii ay ku haysteen dalalkii ay ka haajireen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this