Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Cawad oo mas’uliyiin kula la kulmay Suudaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Danjire Ahmed Ciise Cawad ayaa kulan la yeeshay Wasiiru- dawlaha arrimaha dibadda ee jamhuuriyadda Suudaan Omar Qamarudin ,waxaana ku weheliyay  danjiraha safarada Soomaaliya ee dalka Suudaan Maxamed Sheikh Isxaaq iyo xubno ka mid ah diplomaciyinta Safarada.

Kulankan ayaa looga wada hadlay sidii  loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac  iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xirirka Soomaaliyaa iyo Suudaan ka dhexeeya.

Dhanka kale Wasiirka arimaha dibadda iyo Iskaa-shiga caalamiga ah danjire Axmed Ciise Cawad ayaa xariga Ka Jaray xarun-cusub oo ay ku shaqayn-doonto safarada Soomaaliya ay kuleedahay dalka Suudaan.

Wasiirka ayaa booqday dhammanba Xaafiisyada kala duwan ee ay ku shaqeeyaan diplomaciyinta, iyadoo  Wasiirka uu ku bogaadiyay shaqadda wanaagsan ee ay bulshadooda u hayaan, sidoo kalana kula dardarmay in ay sii laba Jibaaraan  hawlaha ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Wasiirka ayaa sheegay in Wasaarada arrimaha d ibadda ay  guulo wayn ka gaartay sidii ay bulshada Soomaaliyeed ee ku kala nool daafaha caalamka ay u heli lahaayen adeegyada ay kagaga baahan yihiin Safaradaha dowlada ay ku leedahay caalamka, iyagoo loogu adeegayo hanaan ku dhisan hufnaan iyo islaa xisaabtan, si muwaadin kasta u helo xuquuqdiisa.

Halkaan hoose ka daawo sawirrada:

3-1.jpg 4-1.jpg 5-1.jpg 7-1.jpg 687b35f9-ff12-48fa-bba5-f29c63c4005d-1.j

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this