Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaallo xoogan oo ka kala dhacay Sh/Hoose iyo Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saaka dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen deegaanka Bariire ee gobolkaasi.

Weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu qaaday saldhig ciidamada milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaankaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in weerarka uu xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac, kaa soo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska hor imaadkaas iyo weerarka ka horreeyey intaba.

Dhinaca kale ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ayaa ku dagaalamay gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen qeybo ka mid ah magaaladaasi.

Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in halkaasi ay dileen xubin ka tirsan Al-Shabaab, mid kalena ay nolosha ku qabteen.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa dagaalyahannada Al-Shabaab ay kordhiyeen weerarada ay ku qaadaan saldhigyada ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this