Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubin ka tirsan Al-Shabaab oo dagaal lagu dilay & mid kale oo nolosha lagu qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Baardheere (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab uu ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Baardheere ee gobolkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla gudaha degmadaasi.

Weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu xigay iska hor imaad toos ah oo dhex maray ciidamada milatariga dowladda federaalka Soomaaliya iyo raggii weerarka qaaday, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiiisa kala duwan.

Saraakiil ka tirsan ciidamada oo la hadlay warbaahinta ayaa guullo ka sheegtay dagaalkaan, iyaga oo sheegay inay ka war hayeen weerarka, kana hortageen.

Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay inay dagaalkaasi ku dileen hal xubin oo ka tirsan Al-Shabaab, mid kalena ay nolosha ku qabteen, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba.

Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu diriray ku sugan ciidamada dowladda oo dhaq dhaqaaqyo ka wada halkaasi.

Dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadma ah ka fuliya Baardheere, iyagoo dhowaan ku dilay illaa saddex guddoomiye xaafadeed oo ka tirsanaa maamulka degmadaasi, kuwaas oo midkood Mindi lagu gowracay, xilli habeen ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this