Sign in to follow this  
Deeq A.

Shil Khasaare gaystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa  Shil Khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada u dhexeeysa Isgoyska Dabka iyo Bakaaraha.

Shilkaas ayaa sida la sheegayo ka dambeeyay kadib markii gaari nooca Cabdi Bilaha ah oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya uu jiiray Mooto Bajaaj jidka maraysay.

Goobjoogayaal ah halkaasi ku sugan ayaa laga soo xigtay in gaariga Ciidanka ay saarnaayeen uu ku socday xawaaro sare sidaasna uu ku jiiray Mooto Bajaajta.

Goob-joogayaasha ayaa sheegaya in dareewalkii waday Mootada iyo haweeney Bajaajta la socotay uu dhaawac Culus ka soo gaaray shilkaas loolana cararay mid kamid ah Xarumaha Caafimaad ee Muqdisho.

PUNTLAND POST

The post Shil Khasaare gaystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this