Sign in to follow this  
Deeq A.

Booqashadii xildhibaanada Kenya ee Muqdisho oo ‘burin karta’ dooddii Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo hadda ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in tegitaanka 11-ka xildhibaan ee Kenyan-ka ah ee Muqdisho ay waxyeeleyn karto doodda Soomaaliya ee ah in Kenya ay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha dalka.

Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay Khamiistii ugu baaqday Dowladda Kenya in ay si deg-deg ah u joojiso xadgudubyada ka dhanka ah madaxbannaanida Soomaaliya iyo falalka xasillooni darrada ah ee ay ka waddo xuduudda labada dal.”

Hase yeeshee xildhibaan Cabdirisaaq oo qoraal kooban soo dhigay twitter-ka ayaa sheegay in Kenya ay hadda ku doodi karto in sheegashada Soomaaliya ay tahay mid “marin habaabin ah”, maadaama 8 xildhibaan oo Kenyan ah ay “safar qarsoodi ah” oo dowladdooda aysan la socon ku tageen Muqdisho.

Somalia’s claim of Kenyan interference as per the MOFA press release will now be construed as misleading, given this new saga of Kenyan MP’s secret mission to Mogadishu. The victimhood narrative will b dismissed as this will b perceived as a diplomatic turfwar btwn two neighbors https://t.co/EpJu4Dl1Xp

— Abdirizak Mohamed MP (@AbdirizakOm) March 1, 2020

“Doodda ah inay dhibane tahay [Soomaaliya] waa lagu gacan seeri doonaa, waxaana tani loo arki doonaa dagaal diblomaasiyadeed oo u dhaxeeya laba dal oo deris ah,” ayuu yiri xildhibaanka.

“Aragtideeda waxay tahay in Kenya ay hadda sameyn karto sheegasho ka dhan ah Soomaaliya, oo ah inay faro-gelin ku hayso Kenya. Kiiskan, sababta booqashadooda Soomaaliya ma sameyn doonto wax macno ah.”

11-ka xildhibaan ayaa shalay lagu qabtay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee Nairobi, kadib markii ay kasoo laabteen Soomaaliya, oo ay shalay ku tageen marti-qaad ay ka heleen sirdoonka Soomaaliya, sida uu sheegay taleefishinka Citizen.

Magacyada xildhibaanada iyo deegaanada laga soo doorto ayaa kala ah: Ahmed Kolosh (Wajir West), Ibrahim Abdi (Lafey), Rashid Kassim (Wajir East), Mohamed Hire (Lagdera), Omar Maalim (Mandera East), Bashir Abdullahi (Mandera North), Adan Haji (Mandera West), Kullow Maalim (Banisa), Adan Ali sheikh (Mandera South), Mohamed Dahir (Dadaab) iyo Ahmed Bashane (Tarbaj).

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this