Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Qoor Qoor oo xafiiskiisa ku qaabilay Sheekh Shaakir

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Sheekh Maxamed Cali Xasan oo ka mid ah hoggaanka Ahlu Sunna.

Kulankaan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Sheekh C/raxmaan Ashcari iyo taliyaha guutada 15-aad qeybta 21-aad ee ciidanka Xoogga dalka, Genaraal Mascuud.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladda Dhuusamareeb iyo guud ahaan tan maamulka Galmuudug.

Madaxweyne Qoor- Qoor ayaa sidoo kale uga mahadceliyey hoggaanka Ahlu Sunna tanaasulka ay muujiyeen, si loo soo afjaro khilaafaadka ka jira maamulkaasi.

Kulankaan ayaa ku soo aadaya, kadib markii Ahlu Sunna ay hubkeeda iyo ciidankeeda ku wareejisay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Halkaan hoose ka daawo sawirrada:

1 2

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this