Deeq A. Posted March 1, 2020 Maxakamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun xabsi daai’in ah ku riday Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle oo loo heysto inuu ka tirsanaa Al-Shabaab, gaar ahaan qeybta fulisa weerarada tooska ah ee lagu qaado fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM. Sida saaka laga hor sheegay maxkamadda Cabdiraxmaan ayaa waxaa 26-kii bishii September ee sanadkii 2019-kii lagu qabtay deegaanka Baladul-Amiin, isaga oo dhaawac ah, waxaana 17-kii Febraayo la guda galay dhageysiga dacwadda loo heysto. Sidoo kale xafiiska xeer ilaalinta ayaa garsoorayaasha u sheegay in eedeysanaha la soo qabtay isaga oo dagaal ku jira. Xeer ilaalinta ayaa sidoo kale sheegtay in Cabdiraxmaan uu ka qeyb galay weeraro ka kala dhacay Bariire, Buulo-Mareer, Baraawe iyo Golweyn, tan iyo markii uu Al-Shabaab ku biiray 2010-kii, xilligaas oo uu ka raacay degmada Wanlaweyn oo ka tirsan gobalka Sh/ Hoose. Garsoorayaasha ayaaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in Cabdiraxmaan Cumar Cabdi lagu xukumo xabsi daa’in, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in xukunsanaha uu heysto fursad rafcaan uu ku qaadan karo muddo ku siman 30-cisho gudahood. View the full article Share this post Link to post Share on other sites