Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: In ka badan 5 Malyan oo Neef oo laga tallaalayo cudurka Sambabka

Recommended Posts

Deeq A.   
1.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa daah-furay Ololaha Talaalka iyo Daaweynta Xoolaha Puntland, kaasoo la gaarsiin doono 5 Milyan oo kamid ah xoolaha kunool 9 gobol ee Puntland

Xoolaha ayaa laga tallaalayaa cudurka ku dhaca Sambabka Ariga waxaana uu soconaya muddo laba bilood ah.

Munaasabadda daah-furka waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland Siciid Cisman Aadan (Fiisigis), Shaqalaha Wasaaradda Dhakhaatiirta xoolaha soo daweyndoona iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay inuu saaka ambabixiyo dhakhaatiirta soo tallaali doona 5 Milyan oo kamida Xoolaha Puntland, waxa uu sheegay in xooluhu ay yihiin laf-dhabarta dhaqaale ee dalka, isla markaana ay inoo leeyihiin faa’idooyin badan, sidaas darteedna loo baahan yahay in laga warqabo Xoolaha Caafimaadkooda.

Ugu danbayn, Madaxweynaha, Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa neefkii ugu horeeyay Tallaalka siiyay, dhakhaatiirta ayuu kula dardaarmay inay xil iska saaraan howsha loo igmaday,waxaana uu bogaadiyay Wasasaradda Xanaanada Xoolaha Dowladda Puntland oo qorshahaan soo diyaarisay, isagoo tilmaamay inuu rajo wanaagsan ka qabo inuu guul ku soo dhammaado talaalka xoolaha Puntland.

  • 10.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 9.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 8.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 7.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 6.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 5.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 3.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 2.jpg?fit=1000%2C799&ssl=1
  • 1.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Puntland: In ka badan 5 Malyan oo Neef oo laga tallaalayo cudurka Sambabka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this