Sign in to follow this  
Deeq A.

Heshiiska qarsoon ee dhex maray Madaxdii Ahlu Sunna iyo Madaxweyne Qoor Qoor

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in madaxda Ahlu Sunna ay diideen inay ka qeybgalaan xafladda Caleema saarka Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor.

Hoggaamiyihii Ahlu Sunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa u baxay safarka dhanka Magaalada Garoowe ah isagoo sii mari doono Magaalada Gaalkacyo, waxaana la xaqiijiyey inuu ku wajahan yahay Magaalada Jeddah ee Wadanka Sacuudi Carabiya halkaas oo uu markii horeba daganaa.

Macalin Maxamuud ayaa si rasmi ah u diiday inuu ka qeybglo Xafladda caleemka Saarka taasoo uu ka codsaday Madaxweynaha ay Dowladda taageersan tahay ee Galmudug.

Macalin Maxamuud ayaa Axmed Qoor Qoor u sheegay inaysan suurtagal aheyn ka qeybgalka Xafladda, haddii lagu qasbana uu xafladda ka sheegi doono in ballamaha looga baxay laguna qasbay inuu ka qeybgalo xafladda.

Dhanka kale Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Sheekh Cabdirisaaq Ashcari ayaa labadaba ka cudur daartay inay kamid noqdaan xukuumadda cusub ee Galmudug sida ay illo wareedyo u xaqiijiyeen Shabakadda Caasimadda Online.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa dadaal dheer ku bixiyey sidii madaxdii hore ee Ahlu sunna looga dari lahaa Xukuumadda cusub ee Galmudug balse xubnaha laga itaal roonaaday ee Ahlu Sunna ayaa diiday inay aqbalaan codsiga madaxweynaha Galmudug.

Ugu dambeyn, waxaa lagu heshiiyey in Macalin Maxamuud loo fasaxo safarka Jeddaha iyo sidoo kale in Sheekh Shaakir iyo Ashcari loo ogolaado inay sii wataan howlahooda caadiga ahaa sida cashiradii Diiniga ahaa iyo waxbarashada.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa Sheekh Shaakir iyo Sheekh Ashcari u ogolaaday ilaali gaar ah oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya kuwaas oo mas’uul ka noqonayo amniga culumadaas maadaama ay jirto xurguf kala dhaxeyso Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this