Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo bayaan ka soo saartay duqeymaha Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

War qoraal ah oo Al-Shabab ka soo baxay ayaa waxa ay uga hadleen duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo deegaanada ay maamulaan dagaalyahannadooda.

Qoraalka ka soo baxay Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu soo uruuriyey duqeymaha taliska Africom ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwii ugu dambeeyeyey ee ka dhacay deegaanada ay taliso Xarakada Shabaab ee ku yaalla koonfurta Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale bayaankeeda ku sheegtay in duqeymahaasi Mareykanka uu ku dilay dad shacab ah oo caruur iyo haween ay ka mid yihiin, iyagoona meesha ka saaray in xubno ka tirsanaa dagaalyahannadooda lagu khaarijiyey weeraradaasi dhanka cirka ah.

“In ka badan 82.7% howlgallada milliteri ee uu Maraykanku fuliyay 34-tii bilood ee la soo dhaafay, lagu beegsaday dad shacab ah oo haba yaraate wax xiriir ah la laheyn Al-Shabaab” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa shaacisay in dadka weeraradaas lagu dilay ay 37% yihiin beeraley, halka dumarka iyo caruurta lagu dilay weerarada ay yihiin 24.1%, iyo 21.4% oo ah dadka reer miyiga, sida ay hadalka u dhigeen.

Bayaankaan aya ku soo aadayey, iyadoo maalmihii ugu dambeeyey diyaaradaha Mareykanka duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka fuliyeen K/ Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this