Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar ka tirsanaa ciidamada dowaldda oo qarax lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ciidamo ka tirsan kuwa dowladda lagula eegtay gobolka Sh/Hoose.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday askar ku sugneyd deegaanka Warmaxan oo hoos yimaada degmada Afgooye ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaan uu geystay khasaare u badan dhimasho oo soo gaaray askarta lala eegtay.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi loo adeegsaday qaraxa miino, sida ay ku baahisay bogageeda Internet-ka.

Qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in ugu yaraan illaa afar askari ay ku dileen qaraxaasi, sida ay hadalka u dhigeen.

Weli ma jiro war ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo la xariira qaraxaasi iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Inta badan dagaalyahhanadda kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro dhaba gal ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku qaaday, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gobolka Shabeelaha Hoose oo hoostaga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this