Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho: Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay xubin ka tirsan Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda Derejada kowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun xabsi daa’im ah ku ridday eedaysane lagu magacaabo Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Dawle oo lagu helay in uu ka tirsanyahay Al-shabaab.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle oo magiciisa afgarashadu yahay Xamza uu ka tirsanaa Al-shabaab gaar ahaanna  kooxda sida dhuumaaleysiga u weerarta fariisimaha Ciidamada.

Eedeysanaha oo fursad loo siiyay in uu ka hor hadlo Garsoorka ayaa Maxkamadda ka codsaday in loo naxariisto maadama ay ku biirista Alshabaab uusan diidanayn.

Qareenka Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Dawle ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in Eedeysanaha uu aad u yaraa xilligii uu Alshabaab ku biirayay, sidaas darteed ayuu garoosrayaasha weydiistay in loo fiiriyo qodobada fududeyn karo ciqaabtiisa.

Hoos ka akhriso warbixinta oo dhan

PUNTLAND POST

The post Muqdisho: Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay xubin ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this