Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoor Qoor oo la kulmay hoggaamiyaha Ahlu Sunna

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa xalay xafiiskiisa ku qaabilay hoggaamiyaha Ahlu Sunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan.

Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa labada dhinac waxay uga wada hadleen shaqaaqadii dhowaan ka dhacday magaaladaasi.

Ugu horreyn madaxweyne Qoor Qoor ayaa ku amaanay hoggaanka Ahlu Sunna tanaasulka ay u muujiyeen Galmudug iyo shacabkeeda.

Dhankiisa Macalin Maxamuud ayaa ballan qaaday in haatan wixii ka dambeeya ay horumarka kala shaqeyn doonaan madaxda Galmudug, gaar ahaan dib u heshiisiinta.

Arrintaan ayaa ku soo beegmeysa, kadib markii dagaal qaatay 24 saac uu dhowaan ciidanka Ahlu Sunna iyo kuwa dowladda ku dhexmaray magaalada Dhuusamareeb.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this