Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan oo toogasho ka geystay Boosaaso & Wararkii ugu dambeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxay toogasho lagu dhaawacay Nabaddoon Cabdullaahi Cali Sugulle oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulka Puntland.

Rag ku hubeynaa bistoolado ayaa la sheegay in Nabdoonka ay ku dhawaaceen afafaaka hore hoygiisa oo ku yaalla masjid Faadumo ee magaaladaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Sugulle dhowr xabadood lagu dhuftay, xilli uu ka soo baxay masjid ku yaalla halkaasi.

Kooxda falkaan dhaawaca geysatay ayaa goobta isaga baxsatay, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howlgallo baaritaano ah sameeyey.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin oo saraakiisha laamaha amniga Puntland ay ka bixiyeen dhacdadaasi.

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka dhacayey falal liddi ku ah nabad gelyada, kuwaas oo u badan dilal qorsheysan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this