Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda kenya oo duqeysay xaruntii Shirkadda Hormuud ee degmada CeelWaaq

Recommended Posts

Deeq A.   

Diyaaradaha dagaalka ee ay leeyihiin Militariga Kenya ayaa xalay saq dhexe duqeyn ka geystay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Xasan Aadan Biixi oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada dowladda Federaalka ee ku sugan Degmada Ceelwaaq ayaa sheegay in ay arkeen tiro madaafiic ah ay soo riday diyaaraddu oo ku dhacday Xarun Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ku leedahay Degmadaas.

Waxa uu xusay in ay baaritaan ku wadaa khasaaraha soo gaaray xarunta Shirkadda Hormuud ee duqeynta lala beegsaday islamarkaana ay dib ka soo sheegi doonaan wixii faahfaahina.

Sarkaalka ayaa tilmaamay in diyaaradda duqeynta geysatay ay dhowr jeer sidaan oo kale weeraro ka fulisay qaybo katirsan Gobolka Gedo gaar ahaan Tuulooyinka hoostaga Degmada Ceelwaaq.

Sarkaalka ayaa sheegay  in dowladda Federaalka Soomaaliya ay u gudbinayaan qoraal dhameystiran kolka ay soo dhameeyaan xog baarista duqeynta oo ay wadaan.

PUNTLAND POST

The post Dowladda kenya oo duqeysay xaruntii Shirkadda Hormuud ee degmada CeelWaaq appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this